|
Daaloo korkeedii Figta iyo daruuruhu Isku soo durkeenoo Ceeryaamo daahii Ku dallaalimaysoo Dirir gaaxdey mirayoo Todobaad ku da'ayoo Danabkiyo hilllaacii Isu daba mareenoo
Onkodkuna dayaankii Dhulka dakharo yeeloo Casar gaaban daadkiyo Durduradu kulmeenoo Isku soo darmeenoo Isla dulundulceeyeen Jarar moosa dumiyeen Hadba daw samaysteen Shinbiruhu mar duuleen Marna soo degeenoo Damaloo dhan qariyeen Dananka iyo foorida Darandoori heeseen Dayaxiyo cadceedduna Dacallada ka joogaan Isha daawanaysaa Kola daali maysee Bal aan daaha aan rogey Halal kale ku sii daro
Dal ahaanna waa gobol Dullo iyo baannanba leh Badna way la deris thay Duni weeye cimiladu Dardarteeda dhigatoo Waxa loogu daray taas Inta qurux u damac roon Cirku dooba kama dhigo Degmo weeye hodanoo Dooxooyin madhaxliyo Deegaan ma guurtiyo Ilo wada darrooriyo Doog aan is dhalan rogin Dayib geed la magic baxay Dahab hoosta yaallaa Dalag looga dhigayoo Cudur kama dilaacoo Dulin kama abuurmoo Dabar-gooye kama dhicin
Waa degel qabow oo Qorrax diib is marisoo Jidhka aan damqayn baa Loo soo deldelayoo Dadku kuma gabooboo Nimankii Darwiishkii Kula jiray dagaalkoo Weli doob la moodaa Birta daabka haystoo Gala duullinmaadkoo Iyagaa dorraatiyo Taariikhda duuga ah Dhul fog looga doontaa
Duunyadiisu waa geel Daran iyo tigaad cuna Ido deexda lagu dhaqo Ardo lagu dabbaal dego Carro weeye dihinoo Dirka magac ugaadheed Lagu soo dareershoo Farow iyo dibtaag baa Derrimaha ku fara badan Cawl-aan didaynoo Cidi aanay dilinoo Qofna aanu dabannoo Dibindaabyo aragoo Dannigii ka ba'ay baa Dugsanaysa xoolaha
Dad ahaanna waa qaran Waa duul is wada dhalay Qalo iyo dir sooc ma leh Dab dhexdooda kama huro Weligood ma diriraan Isma doca-doceeyaan Dumar kama baroortaan Dooxatiyo wereentiyo Budhcad duusha kuma maqal Daandaansi ma oggola
Xumo uma dulqaataan Nabaddana ma diidaan Deeq kuma masuugaan Doodna waa yaqaanniin Diricyaa ka kacay badan Damdamtiyo mashxaraddiyo Sacabkana ma daayaan Danna kama fogaadaan
Nin dabali wadatoo Waxaan ahay dalxiis iyo Doolaalo keentoo Deg-deg baa I soo galay Dibna waan u kacayaa Dunta gabaygu leeyahay Kama xulan hal-doorkii Dulucdiina kama bogan Balse daymo halacsiga Kolley doorkan manta ah Halkaas aan ku dagagaro
|