Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web




Home Page

 Somaliland History

Sheekooyin

Abdulkarim Said

Suugaanta

Sawiro Hargaysa

No iTem

 ISlamka

Buuga Martida

Sawiro Berbera

Thierry Henry

Sawiro Burco

Sawiro Ceerigaabo


Siirada Asxaabta ILLaahay ha ka raali noqdee

CABDULLAAHI BINU MASCUUD
"QOFKII JECEL INUU AQRIYO QUR’AANKA ISAGOO QOYAN SIDII UU U SOO DEGAY OO KALE , HA U AQRIYO AKHRINTA INA UMMI CABDI." XADDIIS

(15)

Kulankii ugu horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw)

Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaarin maalintaas. Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xeen arri ah oo uu daajinayay, waxaana arrigaas lahaa ninkii la oran jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeeri jireen ”ina ummi Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud. 

Wiilkan wuxuu maqli jiray wararka ku saabsan Nebiga la filayo in laga soo dhex saaro tolkiisa. Ma uusan sii daneynin arrintan iyada ah, iyadoo ay ugu wacneyd labo arrimood. Waa tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo isagoo ka fogaa mujtamaca reer Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu kaxeeyo arrigii uu lahaa Cuqba laga billaabo xilliga subaxa horemana soo noqon jirin ilaa laga gaaro habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato akhyaarnimo iyo degganaansho, kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa meel fog. 

wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga...

Wuxuu kaloo arkay inay nimankii ay aad u daalanaayeen, dhinaca kalena uu harraadkii iyo oonkii hayey darteed ay ka qallalaan bishimihii iyo dhuuntii. Labadii nin markii ay u yimaadeen wiilkii yaraa way salaameen, waxayna ku yiraahdeen: ”wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga, sidoo kalena aan ku qoyno xididdayada qalalay”. Wiilkii ayaa wuxuu ku yiri: ”ma sameynayo, maxaa yeelay arriga ma lihi oo waa la igu amaanaystay”. 

Labadii nin ma aynan dhibsan hadalkii uu wiilkii yaraa yiri, waxaana wejiyadoodii ka muuqday raalli ahaansho ay wiilka u qabaan.  Mid ka mid ah labadii nin ayaa wuxuu wiilkii ku yiri, waxaad i tustaa neef ari ah oo aan weli qoodhii saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay xaggii waxarta isagoo sibra xiray, wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo xusaya magaca Alle.

 



Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo islaamaya

Maalintaa wixii ka danbeeyay, wuxuu wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay shaqadii foofinta arriga, isagoo noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw) abuuray sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay ag joogidda Rasuulka (scw) sida qofka iyo harkiisaba aynan u kala harin. 

Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo,

Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo, marka uu gurigiisa joogo iyo marka uu socotada yahayba. Wuu toosin jiray haddii uu seexdo, marka uu Rasuulka (scw) qubeysanayana wuu asturi jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray, kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka bixin jiray kolka uu doono inuu aqalka soo galo. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu Rasuulka (scw) u qaadi jiray cadeyga iyo usha, qolka uu doonayo inuu galana isagaa ku hormari jiray kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin.


Ka Dhagayso Xaga Hoose Muxaadarooyin Diini ah

JACFAR BIN ABII DHAALIB

“AMIIRKII MUHAAJIRIINTII U QAXDAY XABASHA”

Su'aalahan ka jawaab inta aadan akhrin casharkan....

Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:-

  • Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen.
  • Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,
  • Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis
  • Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo
  • Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.

Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay..

Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.

Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."

Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.

Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.

Jacfar oo isku-filnaaday

Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday.

Abuubakar ayaa soo islaamiyay

Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.

Wiilkii reer haashimiga ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato.


SALMAAN AL-FAARISI

”SALMAAN INNAGA AYUU INAGA MID YAHAY HADDEYNU NAHAY AHLU-BEYTKA” XADDIIS

Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku soo wareeganaysaa sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta xaqa ah. 

wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi .

Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno, wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi. Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw) Salmaan ka codsaday inuu dib danbe sheekadiisa uga sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la yiraahdo Salmaan Al-Faarisi. 

Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu laf-ahaantiisa u deyno sheekada si uu noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay kahor intuusan islaamin. 

Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda), jeer aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka. 

Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri: ”wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay aadista beerta, ee waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta”. Waan tagey annigoo u jeeda beerta. 

Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa dhagahayga soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin diinta kirishtaanka, taasina waxaa ugu wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii aan maqlay codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan. Markii aan aad u raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay waxaana naftayda ku iri: ” wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi ayaan ku dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo sidaas ayaanan ku aadin beertii”. 

Aabahay wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.

Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam. Habeenkii markii la gaaray ayaa waxaan ku noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku iri: ”aabe, waxaan maanta soo ag maray dad ku cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay qoraxdii ka dhacday”. Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri uga argagaxay, wuxuuna igu yiri: ”wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan diintan”, annigana waxaan ku iri, maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan tan aynu hadda haysanno.  Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay inaan dibadda u baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad haysta diinta Nasaarada, waxaana ku iri: haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xirnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa. 

Markii aynu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga badan ee ka mid ah dadka haysta diinta Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii ayaan u imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay diinta Kirishtaanka, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan kuu noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca kalena aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu noqday. 

Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadku amri jiray inay saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka saddaqaystaana meeshii uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. Si daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga carooday, waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku arkay awgeed. 

Wax yar kama soo wareegan jeer uu maalintii ninkii wadaadka ahaa ka dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa, waxaana ku iri hadaladan: ”Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu dhigan jiray, masaakiintana waxna kama siin jirin!”. Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna igu yiraahdeen: ”Halkeed ka ogaatay hadalkan?!”. Waxaan ku iri, annigaa idin tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray maalkaas. Waxay yiraahdeen: ”haa-oo-na tusi”.

Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo saareen toddobo ashuumood oo laga buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen dahabkii iyo lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi aasi mayno”, iyagoo intaa kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen dhagaxyo. 

Ninka cusub ma arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada..

Wakhti dheer kama soo wareegan jeer booskii ninka wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba iskala joogay. 

Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa waxaan ku iri: hebelow yaad ii dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan la joogo adiga gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad haleeshaa ninkaas. 

Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan uga sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku iri: ”hebel ayaa adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii raaciyay inaad tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas” Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay. 

Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii geeriyooday. Intuusan geeriyoonin waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri: ”hebelow waad aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga gadaashaa ii dardaarmaysaa inaan aado?”. Wuxuu igu yiri wiilkaygayow, wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay iilka, uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin. 

Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda iyo nasteexadii ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri: annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka arkay labadii nin ee hore. Wallaahi maba sii joogin jeer uu ninkii haddana ka geeriyoodo, hase ahaatee intuusan dhimman kahor ayaa waxaan ku iri: ”xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa la joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim. 

Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii aan ninkan la joogay, waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? . 

Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto magaallooyinkaas samee. 

Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo ”Kalbin”. Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay. 

”waadul-quraa” ayey igu khiyaaneen nimankii aan lasocdey .

Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo ”waadul-quraa” (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina). 

Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka ugu yeerayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed. 

Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen, wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo. 

 Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.

Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?”, bal iigu soo celi wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay. 

Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan horey u soo qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay. 

Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka. 

Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya. 

waxaan durbadiiba arkay khaatamkii  

Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya jirkiisa oonayana. 

Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”khabarkaagu muxuu yahay?!”. Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna way ugu farxeen.

Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel kasta.

Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.

Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu dhintay iyo maalinta la soo saaray isagoo nool





DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI

”RUUXII JECEL INUU ARKO NIN DUNIDA DUSHEEDA SOCDA ISLA MARKAASNA DHINTAY HA EEGO DHALXATA BINU CUBEYDILLAAH” (XADDIIS)

Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.

Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dhaafno si uu noogu dhammeystiro sheekadiisa xiisaha badan, wuxuuna yiri Dhalxata:-

Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kirishtaan ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah”. Markaas uu sidaas leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay waxaana ku iri: “haa, oo annigaa ka imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo saaray Axmad, markaasaan ku iri: “waa kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yiri waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay “bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow”. Wuxuu yiri Dhalxata, hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xirxirtay sidiina ay ugu kicitimay magaallada Makka.

Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda suubban

Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka gadaashayda?”. Waxay yiraahdeen haa, oo waxaa istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxata wuxuu yiri, horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan markiiba aaday Abuubakar, waxaana ku iri, ma run baa waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yiri haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yiri: “bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii Alle.

Dhalxata wuxuu yiri, waxaan anniga iyo Abuubakar aadnay Muxammad, wuxuu ii soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay, farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuubakar. Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad Binu Abii Waqaas, Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam.

Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay

Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka weeciyaan diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen inay cuskadaan jirdil iyo ciqaab. 

Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yiri: Mar aan socdo Safa iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil labadiisa gacmood lagu xir-xiray qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga danbe  socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaarto wiilka inay garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu yiraahdeen waa Sacba’ Bintu Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.

Labadii la isku xiriiriyay

Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku xirxiray xarig, xarigii ayuu haddana kula xiray Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka, si ay u xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.

Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar As-siddiiq loogu yeeri jiray labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is daba-raacayaan, Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan shahiidkii haddana noolaa, taasoo loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool. Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.


Photo: My football accolades

Muxaadarooyin

Ku Toosnaanta Jidka Alle
Tawxiidka
Sunnada Rasuulka
Fadliga Ramadaan
Tawbadda
Barbaarinta Caruurta
Jacaylka Alle
Muhiimadda Salaadda
Aafada Carabka
Axkaamta Soonka
Alle ka Cabsi
Ka Qeybgalka Ciida Gaalada